Foto: Charlie Riedel/Scanpix
OS

Ilaa iyo hada Isweedhen waa bilad la'aan

Tan iyo markii ay ciyaaraha Olymbikada ka biloomeen Magaalada London dhammaadka asbuucii hore ayeyna Iswedhen ku guulaysan hal-biladna. Waxaa kamid ah dadka guul daraystay gabadhii loogu rajada weynaa in ay guul soo hooyn doonto Sara Sjöström oo dubaalanta dubaasha 100 meter ah.

Laakiin waxaa dhiman maalo badan oo Olymbikada ah, hadii la aamino sayniistiyahano Jarmal ah, Iswedhen waxay qaadan doontaa ugu yaraan lix biladood Olymbikada. Sayniisyahanadaan oo wax ka dhiga Jamacada Ruhr-university dhanka caluumta dhaqaalaha, ayaa sameeyey cabiraad dhanka dhaqaalaha, siyaasada, dhaqanka iyo tirada dadka taas oo ay cabiraada u adeegsadeen kombiyuuter wax xisaabiya isla markaana waxay samaysteen liis biladood oo ayaga u gooniya.

Dalka Shiina ayaa ugu bilad badan liiskooda kaas oo helay 102, halka Norwayd ay noqonayso dalka ugu biladaha badan Skandinavia oo uuna helay 10 biladood. Danmark waxay heshay lix, Finland shan.

Shaxdaan ayaa boqolkii 97,4 sax ahayd marka loo fiiriyo Olymbikadii lagu qabtay Aten, halka Olymbikadii Bejin ay sax noqonayso boqolkii 96,9.

Xogta: TT/radiosporten

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".