Go'aanka maxkamda Södertälje oo beri la filayo

Berito ayuu soo bixi doonaa go'aanka maxkamda Sördertälje ee la xiriira rag 20 ah oo loo haysto sadex dil, bad lacageed, jabinta sharciga hubka iyo afduub.

31 kamid ah ragaan ayaa loo haysto in uu yahay hogaamiyaha koox burcad ah oo dalbatay sadexda dil.

Go'aanka maxkamada oo ay maxkamdo ka baaraan degaysay labo bilood ayaa ka kooban 500 oo waraaqood.

Sidoo kale waxaa socda baaritaan boolis oo ah faldanbiyeed dhaqaale lana xirriranayo kooxda burcadaa.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista