Rag Isweedhish ah oo loo haystay kufsi oo la soo daayey

Afar nin oo reer Sweden ah oo dhamaadkii asbuucii loo qabtay tuhun la xiriirey in ay kufsi geeysteen magaalada loo dalxiis tago ee Alanya dalka Turkiga ayaa la sii daayey, kuwaas oo hada dalka ku soo guryo noqonaya, sida laga soo xigtay wasrada arimaha dibada ee UD.

Siday lagu qoray Expressen.se ciidanka booliska Turkiga ayaa lagaaan dalkooda ka soo cayrshay, inkastoo aysan arintaan wasaarada arimaha dibada xaqiijin.

Haweenayda kufsiga loo geystay sida ay laga soo xigtay warbaahinta Norwayd ayaa ahayd 19-jir ka soo jeeday Norwayd. Kufsiga ayaa ka dhacay hotellka aya ragaan deganaayeen, balse waxay inkireen eedeymaha loo jeediyey sida ay qortay saxaafada Turkiga.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".