Sara Algotsson Ostholt och hästen Wega tog OS-silver i fälttävlan i London. Foto: Maja Suslin/Scanpix.
OS

Iswiidhan oo bilaadi ugu horreysay ku guuleysatay

Ciyaaryahanada ku tartanta farda fuulka Sara Algotsson Ostholt ayaa noqotay ciyaaryahanka ugu horreeya ee u dhashay Iswiidhan ee ku guuleysta wax bilad ah tan iyo markii ay ka furmeen  tartanada ciyaaraha  Olombikada magaaladda London ee dalka Ingiriiska

Sara Agotsson ayaa heshay bilada qalinka ciyaar farda bootis ah oo ay ka qeyb qaadatay. Haddii xeendaabka birta ugu dambeeysay ee faraska ay wadatay Sara uusan ridi laheen birta uu ka boodayay, waxay qaadan laheyd bilada kaalinta kowaad ee dahabka hase yeeshee biladaasi waxaa qaatay Micheal Jung oo u dhashay Jarmalka halka mida maartana uu qaatay isla qof u dhashay dalka Jarmalka.

Dhianaca kale ciyaaryahanada xagga dabaasha Therese Alshammar ayaa sheegtay in ay ka qeyb qaadan doonto tartanka dabaasha xorta ah ee 50 mitir inkastoo weli qoorta ay xanuuneyso.

Alshammar ayaa sheegtay in ay heshay dawo wanaagsan ayna dooneyso in ay isku daydo maalinta jimaca dabaasha 50 mitir inkastoo markii hore qorshaheeda uu ahaa in ay ka qeyb qaadato mida boqolka mitir.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".