Enligt Migrationsverkets Veronika Lindstrand Kant har i princip samtliga bosnier kommit till Sverige i onödan. Foto: Andreas Hedfors/Sveriges Radio.

Magan gelyo doon ka soo qul qulaaya gobolka Balkan

Kumanaan ruux oo ka soo jeeda wadamada ku yaalla galbeedka gobolka Balkan ee qaaradda Yurub oo ay ugu horreeyaan dadka u dhashay dalka Boosniya ayaa ku soo qulqulaya dalka Iswiidhan inkastoo tiro ayr ay heystaan sabab ay ku dalbadaan magan gelyo.

Sababta ay dadkani u soo qaxayaan ayaa ah faqri ka jira wadamadaasi sida uu soo qoray wargeyska DN.

Bilihii Juun iyo Luulyo dad u dhashay Boosniya oo gaaraya kun ruux ayaa magan gelyo ka dalbaday Iswiidhan.

Waxaa sidoo kale dad u badan oo u dhashay dalka Seerbiya oo iyaguna magan gelyo doon ah. Tiradan dadkan ayaa korortay ka dib markii la qafiifiyay fiisaha Schengen in ay helaan dadka u dhashay dalalkaasi.

Tan iyo sanadkii 2010-ka toban kun oo ah Seerbiyiin ayaa ayaa magan gelyo ka weydiistay Iswiidhan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista