Foto: Claudio Bresciani/Scanpix

Dadka is dila ee waddanka

Waxaa si weyn ugu kala duwan yihiin gobolada dalka dadka iyagu is dila ee nafta iska jara sida ku cad warbixin qariirad ah oo uu sammeeyay telifishinka SVT iyada oo gobolka ugu daran uu yahay Värmland. Warbixinta ayaa ka soo bilaabaneysa macluumaadyo la uruuriyay inta u dhaxeysa sanadkii 2000 ilaa snadkii tegay ee 2011 waxayna sheegeysaa in gobolada ugu horreeya ee liiska dadka is dila ay kala yihiin Värmland, Gävleborg, Jämtland iyo gobolka jasiirada ah ee Gotland.

Gobolaka Värmland ayaa tusaale ahaan tirada dadka is dila waxay tahay 16,5 oo ah 100 000 ee ku nool gobolkaasi.

Lars Jacobsson oo ah professor wax ka dhiga cilmi nafsiga kana tirsan jaamacadad Umeå lana hadlay tv-ga SVT ayaa sheegay in gobolada ay isga dhowyihiin sabaha ay dadka isu dilayaan isaga oo sheegay in goboalada ay ku badan tahay shaqo la'aanta dadka ay ka guurayaan ay yihiin kuwa ugu daran.

Gobolka ugu tirada yar dadka iyagu is dila ayaa ah gobolka Västerbotten iyada oo heerka is dilka uu yahay 9,8 100 000 ee qof ee ku nool gobolkaasi.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista