Foto: Scanpix.
Matavfall

Qoysaskaa ugu badan cunto beerdaraynta

Bariitaan ay samaysay hay'ada degaanka Naturvårdsverket ayaa muujinaya in guriyaha laga daadiyo cunto ka badan cuntada laga daadiyo maqaayadaha iyo warshadaha cuntada sameeya, sida uu qoray wargeyska DN.

Naturvårdverket ayaa markii horay aaminsanayd in cunto beerdaraynto ay ku badantahay dukaamada, laakin hada ayey ogaadeen in aysan sidaas ahayn.

Baaritaanka ayaa muujinaya in ugu yaraan hal maylan oo tan oo cunto ah in dalkaan sannad kasta la daadiyo. 674 tan oo kamid ah waxaa daadiya qoysaska.

Xogta: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".