Shaqooyinka maamulka oo horseeda stress. Foto: Bertil Ericson/Scanpix.

Soo gelida shaqada fasaxa ka dib.

In si degan oo tartiib tartiib ah loo gudo galo shaqada ka dib markii qof uu ka soo noqdo fasaxa xagaaga ama kuleylaha ayaa la sheegayaa in ay tahay mid wanaagsan oo yareyn karta in qofka uu ku dhaco cudurka cadaadiska ku yimaada jirka ee la yiraahdo stress.

Dan Hansson oo ah cilmi baare ku xeel dheer stress-ka ayaa sheegay in in qaadaneyso dhowr cisho in qofka mar kale uu ku soo noqdo heerka caadiga ee qabashada shaqada isaga oo sheegay in wax ugu muhiimsan ay tahay in la yareeyo cadaadiska jirka.

``Waxaan aminsanyahay in inta badan ay sabab u tahay qofka oo doonaya in wax badan uu qabto marka uu ku soo noqdo shaqada laakiin jirka waxuu u baahanyahay waqti uu kula qabsado shaqada maadaama fasax laga yimid marka waa in aan waqtigaasi siinaa jirka, ayuu yiri Dan Hansson mar uu ka hadlaayay arrintan.

Inta ay suuragalka u tahay ayaa waxaa haboon ayuu leeyahay qabiirkan in maalimaha hore ay qorsheystaan waxa ay qabanayaan, in dejiyaan qorshe meesha ay hiigsanayaan iyo kala ahmiyad siinta howsha hor taalla.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".