Tirada dad ku dhinta shilalka biyaha korortay. Foto: Janerik Henriksson/Scanpix.

Shilalka hanfashada oo aad u kordhay

Dad gaaraya labaatan qof ayaa ku geeriyootay shilal hanfasho ama qaraqan oo intooda badan la xiriira shilal ka dhaca doomaha  la raaco iyo kuwa isboortiga intii lagu dhex jiray bishii luulyo ee sannadkan.

Tiradan ayaa ah mid aad u sarreeysamarka lala bar bar dhigo bishii luulyo ee sanadkii hore oo dadka ku dhintay hanfashada ama qaraqanka ay gaarayeen 13 ruux sida lagu sheegay tirakoobka hay'adda badbaadada.

Xilliga fasaxa xagaaga ama kuleylaha ayaa waxaa aad u badan dadka isticmaala doomaha ha noqdeen doomaha lagu safro iyo kuwa lagu ciyaaro intaba iyada oo sidoo kale dad aad u fara badan ay ku dabaashaan harrooyinka iyo xeebaha bada.

Dalka Iswiidhan ayaa waxaa ku yaalla harrooyin aad u fara badan oo dadka isku qaboojiyaan xilliga ay qoraxda kulashahay ee dadka iyo ardadaba aadaan fasaxyada xilliga xagaaga ama kuleylaha.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".