Arkivfoto: Pawel Flato/Scanpix

Hubka sharci darada ah oo soo badanaya

Booliska gobolka Stockholm ayaa gacanta ku dhiga ama qabta hub fara badan oo sharci daro ah sida uu soo qoray wargeysa Svenska Dagbladet. Waxaana inta badan hubka sharci darada ee ay booliska ku qabtaan sita dhalinyaro da' yar.

Sanadkan gudihiisa ayay booliska waxay gacanta ku dhigeen 171 oo ah hubka darandoori u dhaca oo si sharci daro ah loo heystay waxayna tani noqoneysaa in ay kordheen 25 boqolkiiba hubka sharci darada ah ee la qabtay sanadkan marka lala bar bar dhigo sanadkii hore.

Hubka ugu badan ee booliska ay qabtaan ayaa ah bastoolado lakiin sidoo kale booliska ayaa arkaya in ay soo badanayaan qoryaha darandooriga u dhaca iyo bambaanooyinka gacanta laga tuuro.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".