Degmooyinka oo dalbanaya lacag dheeri ah oo ku aadan qoysaska la keenayo

Qormo lagu soo daabacay bogga dooda ee wargeyska DN oo ay qoreen ilaa iyo 12 maamulayaal ee  degmooyinka dalka waxay ku sheegeen in dowlada looga baahan yahay in ay qaadato mas'uuliyada kaga aadan qoyaysaska la mideynayo ee imaana degmooyinka dalka iyada oo qoraalkan lagu sheegay in xukuumada ay lacag fara badan siiso degmooyinka ay soo degayaan reeraha la mideynaya.

Dowlada iyo xisbiga deegaanka ee Miljöpartiet ayaa ku heshiiyay siyaasada soo galootiga laakiin degmooyinka ayaa ku doodaya in aysan ku filneen lacagta dowlada ay u qoondeysay reeraha la mideynayo iyada oo degmooyinka ay sheegayaan in ay jirto khatar ah in dadka la mideynayo ay dibada kaga dhacaan qorshaha lacagta la yiraahdo etableringsreformen oo ah lacag la siiyo muddo labo sano dadka ku cusub dalka labada sano ee ugu horreysa inta ay kala qabsanayaan dalka baranaayaana afka Iswidhishka, sida lagu sheegay qormada ay maanta soo bandhigeen ururka ay ku mideysan yihiin maamulada degmooyinka.

Soomalida ayaa ka mid ah qoysaska rajeynaya in eheladooda ay yimaadaan dalka Iswiidhan si ay hal meel ugu wada noolaadaan

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".