Foto: Claudio Bresciani/Scanpix

Haweenka jirkooda dhaawaca oo soo batay

Dhallinyarada jirkooda dhaawaca
10 min

Waxaa soo badanaya haweenka dhallinyarada ah ee jirkooda dhaawaca u geysta. Laakiin bukaankaan ayaan la siinin wax ahmiyad ah xarumaha caafimaadka, ayada oo ay aad u hoosayso dhamaan dalka oo idil aqoonta ah sida loo daryeelo dhallinyaradan dabeecadoodu tahay in ay is-dhaawacaan.

Qaybo badan oo kamid ah dalka ayey daryeelka kaliya ee la siiyo dhallinyaradaan yahay ka warqabid iyo waardiyeen kaliya. Haweenka dhallinyartaa ee sida weyn isku dhaawaca aya lagu daweeyaa xarumaha dadka qaba cudurada cilmi nafsigaa. Annika Druger ayaa hada mudo sadex sanno ah lagu daryeelayey xarun ku taala degmada Växjö, xaruntaas oo ah xarun amnigeeda aad loo sugay laguna hayo danbiilayaasha ugu culus dalkaan. Mudo hada laga joogo bil ayaa la siiyey fasax oo fursad loo siiyey in ay xarunta banaanka ka joogto waqti gaaban oo aan cidna ilaa-linaynin.

Halkaan hoose ka dhageyso warbixin arintaas ku saabsan

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".