Bidix: wasiirka arrimaha dibeda Carl Bildt. Midig: Madaxweynaha Belaruus, Lukashenko

Iswiidhan oo ugu baaqday muwadiniinta in ay ka feejignaadaan Belaruus

Qilaafka dibolomaasiyadeed ee u dhaxeysa Iswiidhan iyo dalka Belaruus ayaa ku qasbay wasaaradda arrimaha dibeda in ay ugu baaqdo muwaadiniinta Iswiidhan ee dalkaasi jooga in ay muujiyaan feejignaan iyada oo sababtu tahay xaaladda dibolomaasiyadeed ee labada dal, sida ay sheegtay Catarina Axelsson, oo ka tirsan qeybta saxaafadda ee wasaarada arrimaha dibeda.

Wasaaradda arrimaha ma heyso imminka warbixino sheegaya in dhibaato loo gesytay qof Iswidhish ah oo jooga Belaruus laakiin safaaradda Iswiidhan ee magaaladda Minsk ayaa rumeysan in dadka Iswidhishka ay muujiyaan taxadar iyo feejignaan.

Sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha waxaa dalka Belaruus degan muwaadiniin u dhashay Iswiidhan oo gaaraya tiro tobaneeya waxaana dalkaasi sanad walba booqata dad gaara 3 500 qof oo dal ku gal booqasho ka qaata Iswiidhan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".