Haweeney la garaacayo. Foto: Claudio Bresciani/Scanpix

Dhibaatada loo geysto dumarka

Dumar gaaraya 25 lagu dilay Iswiidhan sanadkii 2011 waxaana sagaal ka mid ah tobanka qof ee dambiga geystay ay yihiin, sida laga soo xigtay hay'ada ka hortagista dambiyada ee Brå.

Isla sanadkii 2011 waxaa la diiwaan geliyay kiisas gaaraya 28 000 oo ah dumar ka weyn da'da 18-sano oo loo geystay jirdil ama la garaacay.

Afar meelood hal meel, haweenka loo geystay dhibaatada ayaa tilmaama in qofka dhibka u geystay uu yahay rag ku dhow.

Rabshada lagula kaco dumarka ayaa sanadahii ugu dambeeyay waxay aheyd mid soo badaneysay.

Hoos dhac yar ayaa jira marka sanadahan 2000 marka loo eego sagaashamaadkii waxaana taasi sabab u ah baa la leeyahay isbedelka xagga bulshada iyada oo ay soo kordhayaan dumarka helaya madaxbanaani xagga dhaqaalaha ah sanadahan dambe.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".