Kaalin shidaal. Foto: Epp Anderson/Sveriges Radio

Sicirka shidaalka oo sare u kacay

Shirkadaha iibiya shidaalka ayaa maanta sare u qaaday sicirka lagu iibiyo bansiinka iyaga oo ku daray 10 litarkii.

Sare u qaadistan lagu sammeeyay sicirka shidaalka ayaa ka dhigeysa bansiinka noociisa la yiraahdo 95 in lagu iibsado shan iyo toban karoon iyo 28 öre iyada oo sidoo kale uu sare u kacay sicirka la kala siisto naftada iyada oo liitarkii naftada uu gaaray toban iyo afar karoon iyo 89 öre.

Waxaa weli qiimahiisa jooga oo aan is bedelin qiimaha lagu iibiyo shidaalka Etanolbränslet E 85 iyada oo litarkii shidaalkaasi ah uu yahay toban karoon iyo toddobaatan iyo afar öre.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".