Foto: Sveriges Radio

Iswiidhan oo warbixin ka soo saartay mashaqadii Utoya

Hay'ada adeega bulshada ee Socialstyrelsen ayaa ammaantay sida qeybaha caafimaadka ee dalka Norway ay u maareeyeen dadkii waxyeelada ka soo gaartay weerarkii aragagixisada ee kuleylihii hore ka dhacay jasiirada Utoya ee dalkaasi Norway.

Warbixin ay maanta la soo bandhigay oo ay soo saartay hay'ada Socialstyrelsen ayaa qiimeyn ku sammeyneysa sida Norway ay ula tacaashay mushkiladii Utoya laakiin sidoo kale warbixinta ayaa ka hadleysa sida Iswiidhan ay u maareyn lahyed dhibaato la mid ah mida Utoya.

Dalka Norway ayaa leh hanaan abaabulan oo ah helikobtarada loo isticmaalo ambulus ahaanta taasi door fiican ka qaadatay in la soo daadgureeyo dadkii ku dhaawacmay weerarkii Utoya.

Laakiin hay'ada bulshada ayaa ku sheegtay warbixinteeda in nidaam ambulus helikobtar oo u abaabulna sida midka Norway in uusan imminka ka jirin dalka Iswiidhan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".