Tomas Mazetti iyo Hannah Frey oo ka tirsan PR iyo madaxweyaha Belaruus Alexander Lukasjenko. Fiskpinne

Shirkada PR oo diiday casuumad kaga timid dalka Belaruus

Madaxda shirkad dhowaantan ku daadisay magaaladda madaxda dalka Belaruus butiyaal lagu xardhay fariimo ku baaqaya dimoqraadiyada iyo xorriyada hadalka ayaa diiday casuumad ay ka heleen hay'ada sirdoonka KGB ee dalka Belaruus.

Casuumada loo fidiyay madaxda shirkada PR ayaa ahayd in ay tagaan magaaladda Minska ayna sharxaan sababata ay ay ugu xadgudbaan hawada dalka Belaruus ayna ugu daadiyaan hawada dalkaasi butayaasha lagu xardhay fariimaha lidiga ku ah dowlada dalkaasi.

Warqad ku socota madaxweynaha dalka Belaruus Lukasjenko, oo xafiiska shirkada ku soo daabacay boggooda internet-ka ayay shirkada waxay ku casuuntay madaxa sirdoonka dalka Belaruus in uu yimaado xafiiska shirkada ee Skåne halkaasi oo ay ugu sharxi doonaan sida ay ugu suuragashay in ay galaan hawada dalka Belaruus iyada oo aysan ka war helin ciidmada cirka ee dalkaasi.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".