Bukaan ku neefsanaya qalabka lagu ogaado cudurka sambabka ee KOL. Foto: Fredrik Sandberg/Scanpix

Dumarka u dhinta xanuunka sambabka oo kordhay

Warbixin cusub oo uu soo saaray ururka la socodka xanuunada wadnaha iyo sambabada ayaa lagu sheegay in dumar fara badan ay u geeriyoodaan xanuunka la yiraahdo KOL ee ku dhaca sambabaha iyada oo warbixinta lagu sheegay in 15 sano ee u dambeeyay 74 boqolkiiba ay kordheen haweenka u dhinta cudurkan ku dhaca sambabaha.

Cudurkan sambabaha ku dhaca ee afka Iswidhishka lagu yiraahdo KOL ayaa la sheegaa in uu yahay xanuun daran oo asiiba sambabada oo oof wareen joogta ah kaasi oo dhaliya in qofka neefsashada ay dhibaato ku noqoto waxaana la sheegay in uu dilay dumar ka tiro badan tirada raga ee cudurka uu dilay.

Dhaqtar la yiraahdo Kjell Larrsson ayaa sheegay in sare kacan uu ku xiran yahay dhaqaatiir badan oo hadda si fiican u ogaaday jiritaanka cudurka balse waxaa sidoo kale ay jirto in dumar fara badan ay bilaabeen cabista sigaarka sanadihii sida lixdkii, toddobaatankii iyo sideetankii.

Cudurka ayaa si deg deg ah u dila dumarka taasi lagu sharxay in ay sabab u tahay dumarka oo leh sambab ka yar kuwa raga.

Isha warka: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".