Annie Lööf, hoggaanka xisbiga dhexe. FOTO: CLAUDIO BRESCIANI / SCANPIX

Kalsoonida shacabka ee Annie Lööf oo hoos u dhacday

Kalsoonida ay bulshada ku dhex leedahay hoggaamiyaha xisbiga Centerpartiet, Annie Lööf ayaa sii bur bureysa, sida lagu sheegay rayi' uruurin uu sammeeyay ururka Demoskop.

Annie Lööf ayaa heshay dhibco ah 2,17 oo heerka la doonayo oo ah 5 iyada oo ra'yi uruurrinta ay qadadka tilifoonka kaga qeyb galeen dad gaaraya 1 300 waxaana sammeeyay ururka Demoskop iyada oo u xilsaartay wargeyska Expressen.

Hoggaamiyaha xisbiga Sverigedemokrater Jimmie Åkesson ayaa noqday hoggaanka ay ugu kalsooni yar yihiin bulshada isaga oo helay dhibco gaara 1,76.

Liiska ugu sarreeya ee xagga kalsoonida dadka ayaa waxaa galay hoggaamiyaha xisbiga Socialdemokrat Stefan Löfven isaga oo helay 3,39 halka ra'iisal wasaaraha ahna hoggaamiyaha xisbiga Modarat-ka Fredrik Reinfeldt uu helay 3,29.

Isha warka: Expressen

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".