Foto: Janerik Henriksson/Scanpix.

Warbixin laga soo saaray ardayda lagu dhibo iskuulada

Idaacadda wararka ee telifishinka TV 4 ayaa baahisay in ku dhowaad labo ka mid ah shantii arday ee dhigata fasalada 6-aad iyo 9-aad ay qash qashaad iyo sharaf dil ay u geystaan isla arday isla fasaladaasi dhigta.

Warbixinta uu baahiyay qeybta wararka ee TV 4 ayaa waxaa soo diyaarisay urur la yiraahdo Friends oo ka ololeysa waxa afka Iswidhishka lagu yiraahdo ''mobning'' ama qash qashaad waaana warbixintii ugu horreysay ee sanadle ah oo uu soo saaro ururkan.

Caruur badan ayaa babaado ku dareemin iskuulada gaar ahaan marka ay istcimaalayaan muqusha/suuliga iyo meesha dharka isaga bedelo.

Kaliya caruurta 63 boqolkiiba ayaa sheegay in badbaado ku dareemaan xilliga iskuulka ay joogaan iyada oo caruurta qaarka aysan heysan shaqaale ay u dacwoodaan marka la dhibo.

Shaqaalaha ka shaqeeya iskuulada ayaa dhammaan isaga dhaw dabeecad ah in aysan kala dhex gelin caruurta marka ay dhexdooda is dhibayaan.

Isha warka: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".