Ilaaliye baarkin oo jaraya ganaax. Foto: Camilla Olsson/SR Västmanland.

Safaarado bixin la' ganaax baarkin

Dibolomaasiyiinta safaarado ku yaalla Stockholm ayaa waxaa lagu leeyahay ganaax goobaha la dhigto baabuurta oo gaaraya ilaa iyo 600 kuwaasi ah ganaax dhacay nuska hore ee sanadkan.

Shaqaalaha ugu daran ee safaaradaha ganaax baarkiyeeriga uu ku dhaco ayaa waxaa ugu horreeya uguna daran dalalka Shiinaha, Ruushka iyo Ukrain, sida uu soo qoray wargeyska Svenska Dagbladet.

Siyaasiyiinta maamulka degmada Stockholm ayaa hadda doonaya in la bedelo sharciga oo cadaadis la dul dhigo safaaradha bixin waaya lacagaha ganaaxa baarkinida.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".