Jamacadaha oo dhaqaale dhimis ku qasban

Ugu yaraan 15 000 oo ah boosas waxbarasho ayaa laga cabsi qabaa in jamacaduho dhumiyaan sadexda sanno ee soo socota, sida ay qortay wargeyska Dagens Nyhter.

Sababta ayaa ah kaalmada dheeradka ah ee ay dowladdu ku taageertay xarumaha waxbarashada si looga hortago qalqalka dhaqaale, ayaa hada gababsi maraysa.

Lennart Ståhle oo ka howl-gala hay'ada tacliinta sare högskoleverket ayaa aaminsan in ay ahayd loo kordhiyo dhaqaalaha jamacadaha dhowr-sanno o kale, kaalmo yaridano ay keeni karto in atayada tacliinto hoos u dhacdo.

Wasiirka tacliinta ayaa ku sababeeyey dhimista taakulada dhaqaale ardeyda oo yaraatay.

- dhowrka sanno ee soo socda jamacadaha dalka waxay haysan doonaan boosas badan oo banaan, ayuu yeri mar uu u waramayey Dagens.

Xogta: DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".