Foto: Henrik Montgomery/Scanpix

Anna Lööf oo kalsoonida shacabka dhumisay

Kadib markii ayaa soo badatay fadeexad salka ku haysa qarash ay wasaarada ganacsiga ay ku qasaarisay shirar iyo xaflado ayaa waxaa hoos u dhacay kal soonada hogaamiyaha xisbiga Centerpartiet Anna Lööf ahna wasiirka ganacsiga.

Sida ay muujinayso afkaar aruurin ay sameysay Novus una sameysay Dagens Industri boqolkii 12 ayaa kalsooni ku qaba Anna Lööf, halka bqolkii 49 aysan wax kalsooni ah ku qabin ayada. Dadka ka qayb-galay afkaar aruurinta ayaa ahaa 1.000 qof.

Lix bilood ka ka hor shantiiba hal ayaa kalsiini mu qabay wasiirada, sida ay sheegtay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".