AP-fondiga oo lagu taliyey in isku meel laga maamulo

Shanta Ap-fondiga Sweden ayaa lugu taliyey in layskugu keeno sadex keliya oo isku meel laga maamulo, sidaas waxaa lagu soo jeediyey baaritaan maantay la soo bandhigay.

Mats Langensjö oo baaritaan sameeyaha ayaa aaminsan qaabka loo maareeyo fondiyada howl-gabnimada yahay mid aan casri ahayn oo aan wax tar lahayn, taas oo nidaamka gunooyinka howl-gabka ugu kacan sideetan bilyan oo karon tobankii sanno ee ugu danbeeyey.

Waxuuna ku taliyey in la hirgeliyo hay'ad cusob dowliya oo ay howsheeda noqonayso dejinta heerka qiimeed ee sadexda Ap-fond.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".