Xarumaha jaaliyada Soomaalida oo la jajabiyey iyo handadaad joogta ah ayaa Soomaalida Forserum ku qasabtay in ay ilmahooda ka joojiyaan bilowga iskuulka dayrtaan. Foto: Alexandra Svedberg/Sveriges Radio.

Soomaalida Degmada Forserum oo caruurtooda iskuulka ka joojiyey

Soomaalida Forserum
8:21 min

Soomaalida ku nool degmada Forserum ee gobollka Småland ayaa gebihaanba ka joojiyey in caruurtooda bilaabaan iskuulka dayrtaan. Sababta ayaa ah Soomaalida degmadaas oo kala kulmey cunsurinimo iyo kadeedis qaar kamid ah bulshada forserum.

Mukhtar Sheekh oo kunool magaalada Jönköping oo u dhow degmada Forserum, kuna soo baxay cabashada Soomaalida degmadaas oo u warameyey idaacadan caalamigaa ee radio Sweden qaybteeda af-soomalga ayaa waxa uu sheegay in dhibaatooyinka soomalida degmadaas ka tirsanayso bulshada ay la deganyahiin soo jiitameysay mudo ku dhow labo sanno. Soomalidana la tusay sida uu sheegay cunsuriyed weyn oo loo geystay caruurta iyo haweenka soomalida degmadaas, hadana ay marayso in raga la garaaco. Mukhtar Sheekh ayaa sheegay in maamulka degmada iyo boolisku ay iska indho tirayaan dhibaatada Soomalida haysta oo ay badanaa ku andacooda dadka dhibaatada geysta in ay yahiin caruur yaryar. Mukhtar ayaa sheegay in dadka dhibaatada u geysta Soomalida in la garanayo oo ayna yahiin koox dhallinyaro ah oo ay da'dooda u dhaxayso 17-19 jiro.

Kor ka dhageyso wareysiga Mukhtar sheekh.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".