Hailemariam Desalegn. Foto: Elias Asmare/Scanpix.

Ruuxa badalaya Melez Zanewi

Wararka ka imaanaya dalka Etobiya ayaa sheegaya in xilkii ra'iisalwasaaranimo uu ka geeriyoodey Melez Zanewi, in uu sii haynay doono ku xigeenkiisa Hailemariam Desalegn, tan iyo inta laga gaarayo doorashada soo socota 2015, sida ay maantay warisay Reuters.

Arintaan lama garanayo saameynta ay ku yeelan doonta qorshahii cafin u fidinta labada saxaafi ee reer Iswedhen ee ku xiran dalkaas. Desalegn ayaa lagu tlmaamaa in uu yahay ruux tanaasul ogal islamarkaana ah libraali aan qalafsaneyn, balse aan ku lahayn wadankiisa taageero siyaasaded oo sidaas u sii durugsan

Intaan la gaarin dhamaadka asbuucaan ayuu barlamaanka dalkas kulmi doonaa oo loo dhaarin doonaa Hailemariam ra'iisalwasaare

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".