Booliska oo digniin ka soo saaray waraaqaha bugta ee qaansheegadka. Foto: Tomas Oneborg/Scanpix.

Fadeexad ka taagan faktuurooyin bug ah

Sida lagu sheegay barmaaijka ABC ee ka baxa Tv-ga SVT waxaa dhowaatan la shaacin doonaa fadeexadii ugu weyneed ee ka jirta xagga waraaqadaha qaansheegadka been abuuradka ah ama waxa afka Iswidhishka lagu yiraahdo ''Bluffakturor''

Booliska ayaa waxaa soo gaaray dacwado ka badan 10000 oo ka dhan ah shirkada la yiraahdo Mellanhand Media AB, oo iyada lacago gaaraya malaayiin ku soo sheegatay shirkado oo ay leedahay in ay u qabatay shirkadahaasi adeegyo tilifoon

Rugta ganacsiga Iswiidhan ee Svensk Handel ayaa qiyaaseysa in waraaqahan qaansheegad ee beenta ah in lagu helo sanadkii 1,2 milyan oo karoon waxaana faktuurooyinka bugta ah ka dambeeya kooxo abaabulan oo dambiilayaal ah.

Dhaca ku saleysan in waraaqooyin qaansheegad bug ah la isku soo diro ayaa yimid ka dib markii la casriyeeyay kaararka bankiyada ee loo yeelay chip-ka.

Booliska dalka ayaa maanta bartooda internet-ka soo dhigay digniin ku socota shirkadaha dalka oo ah in ay iska ilaaliyaan waraqaha qaansheegadka beenta ah marka bixinaayaan biilasha dhammaadka bisha.

Isha warka: svt

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".