Agaasimaha guud ee Säpo Anders Thornberg, Photo: Scanpix, Montage: Sveriges Radio

Säpo oo jebisay qawaaniin

Sida uu soo qoray wargeyska DN hay'ada sirdoonka Iswiidhan ee Säpo ayaa jebisay qawaaniin ka dib markii hay'ada ay u qabatay xaflad loogu magac daray James Bond shaqaale ka tirsan hayda oo gaaraya 1,000 qof.

Xaflada ayaa waxaa ku baxday qarasha gaaraya 5,3 miljan oo karoon.

Waxaa intaasi sii dheer in Säpo ayaa dib u soo ceshatay lacag qalad ah oo gaareysa hal milyan oo karoon oo canshuur ah.

Hase yeeshee hay'ada ayaa dib ugu soo celisay qasnada dowlada 114 500 oo karoon ka dib markii xisaabiyaha qaranka uu fahmay qalad lacagta ku dhow halka milyan ee hay'ada qaadatay.

Agaasimaha guud ee hay'ada Säpo Anders Thornberg oo shaqada hoggaaminta hay'ada sirdoonka qabtay bishii Luulyo ayaa u sheegay wargeyska DN in qarashka ku baxay xaflada hay'ada uu ahaa mid arrinteeda gaar aheyd.

Sida uu sheegay AndersThornberg, shaqaalaha hay'ada sirdoonka ayaa culeys far badan waxaa ku keenay dhowr arrimood oo is biirsaday kana mid ah dib u qaabeynta hay'ada, khatarta xagga argagixisada iyo weerarkii qofkii isku qarxiyay Stockholm.

DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".