Maxkamada Glasgow ee dacwada ka socoto. Foto: Ola Westerberg/Scanpix.

Maalgeliyihii weerarkii isqarxinta Stockholm oo maanta la xukminayo

Maxakamada magaaladda Glasgow ee gobolka Scotland ee dalka Ingiriiska ayaa maanta la filayaa in ay shaaciso ciqaabta uu mudan doono ninkii maalgeliyay qofkii geystay weerarkii isqarxinta ee ka dhacay magaaladda Stockholm sanadkii 2010-ka.

Ninkan eedeysanaha ah ayaa waxaa lagu magacaabaa Nasserdine Menni waxayna saaxiibo ahaayeen Taymour Cabdulwahab oo isku qarxiyay Stockholm.

Guddi xeer beegta ah ayaa ku helay Nasseridine dambiga ah in uu maalgeliyay weerarkaasi aragagixiso bishii Luulyo hase yeeshee maxkamada Scotland ayaa maanta shaacin doonto xukunka ninkan waxa uu noqonayo.

Lama arkin caddeyn xaqiijineysa in ninkan uu ku lug lahaa qorsheynta weerarka ka dhacay Stockholm ee ismidaaminta ahaa laakiin maxkamada ayaa rumeysan in ninkan uu wax ka ogaa in lacagta gaareysay 60.000 karoon ee uu ku soo diray koontada saaxiibkiisa is qarxiyay ee Taimour Cabdulwahab in lacagtaasi loo isticmaalaayay weerar argagixiso.

Ciqaabta ugu daran ee lagu muto maalgelinta argagixisada ayaa ah 14 sano oo xabsi ah.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".