Sawirle: Jessica Johansson/Sveriges Radio.

Caafimaadka haweenka oo laga deyriyey marka loo barbar dhigo ragga

Afar-daloolow mid ayey haweenka iswiidhishku la il-daran yihiin welwel iyo sacaanad, halka tiradaasi noqoneyso saddex-daloolow mid, kolka laga hadleyo haweenka da'da yar ee caafimaad-darrada maskaxda u liita. Dhiggooda ragga ayaa isku-celcelin ka caafimaad wanaagsan, sida ku cad tira-koob ey soo saartay hayadda tira-koobka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaanno SCB.

Wixii ka dambeeyey sannadkii 1980 oo hayadda SCB bilowday tira-koobka noocaniya ayaa la ogaadey in haweenku ka welwel-badan yihiin ragga dhigooda ah iyagoona u liita marar badan cudurka salcaanka, sida uu qoray war-geeyska Dagens Nyheter.

War-bixintii ugu dambeeysay ee lagu magacaabo "på tal om kvinnor och män - marka laga hadleyo ragga iyo haweenka" ayey haweenkii su'aalaha la weydiiyey ku jawaabeen 25% oo da'doodu u dhexeeyso 16 illaa iyo 85 iney caqabado kala soo gudboonaadaan welwel, salcaan iyo cabsi.

Halka tirada raggu aheyd 14%. Haweenka ugu liita ayey da'doodu u dhexeeysaa 16 illaa iyo 24 sannadood, oo 32,2% ey sheegeen iney la il-daran yihiin welwel iyo walbahaar. Kolka dhiggooda ragga ee isla da'daasi uu caafimaadkoodu ka wanaagsan yahay isku celcelin marka laga eego ragga guud ahaan.

Isha: DN

                                                           kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".