Sawirle: Peter Bressler/Sveriges Radio

Summadda fikirka Naasiga oo lagu summadey xero qaxooti

Kolkii ey qaxootigii ugu horeeyey soo caga-dhigteen xerada qaxootiga ee Påskallavik ee magaalada Oskarshamn ayey kula kulmeen iyada oo derbiyada lagu xardhey sawirro matalaya mactabadda summadda Naasiga.
Dhacdadaa ayaa dacwad laga gudbiyey, halka dhanka kale ilaalo lagu hayey xarunta hooyga ee soo-galootiga.

Wixii ka dambeeyey go'aankii lagu gaarey in xaruntaasi hooy u noqoto soo-galootiga ayey xoogag kala duwani isku dayeen sidii lagu joojin lahaa. Iyada oo ey xooggaga xag-jirku ku tallaabsadeen waraaqo ey qeybiyaan, sida ay ciidanka ammaanku ugu warrameen war-geeyska Barometern.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".