Erik Almqvist (SD). Sawirle: Fredrik Persson/Scanpix

Awoodda xisbiga SD ee baarlamanka oo wiiqday

Wixii ka dambeeyay aflaantii uu war-geeyska Expressen soo dabacayay ee la xiriiray xisbiga SD ayay daciiftay awoodda xisbigu ku leeyahay baarlamanka dalka. Maadaama ey laba xunood ee xisbiga ka tirsan Erik Almqvist iyo Kent Ekeroth ey joogsi ka qaateen howsha baarlamanka, sidaa-daraadeedna aaney ka qayb qaadan karin kolka ey xubnaha baarlamanku cod qaadeyaan - iyadoo ey kuraastoodu bannaanaan doonaan.

Xisbiga Sverigedimoqoraadiga oo ey 20-kiisa xubnood miisaan u yihiin labada garab ee siyaasadda ayey saddex ku dheer yihiin hadba garabka ey raacaan. Haddaba maadaama ey laba xubnood ka maqan yihiin ayuu xisbigu iminka cod dheeriya oo keliya ku kordhin karaa hadba garabka uu raaco.

Erik Almqvist ayaa dhammaan iska xayuubiyay xilalkii uu xisbiga u hayay, kadib falalkii meel ka-dhaca ahaa ee uu ku tallaabsaday oo war-geeysku soo ban-dhigay. Waxaa sidoo kale bannaanaan doona kursigiisa inta xisbigiisu go'aan ka gaari doono mustaqbalka siyaasadeed ee xildhibaankaasi. Iyadoona go'aan la xiriira in xisbiga laga saaraa uu qaadan karo muddo dheer.
Kent Ekeroth ayaa howlihiisa joogsi ka qaatay, lamana oga inta uu ka maqnaan doono.

Isha:Ekot

                                                          kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".