UD oo muwaadiniinteeda uga digtay xaaladda Bariga Dhexe

Wasaaradda arrimmaha dibadda (UD) ee dalka Iswiidhen ayaa jimcadii wax ka badashay talooyinkeedii ku wajahnaa muwaadiniinta iswiidhishka ee ku sugan dalka Israa'iil iyada oo laga amba-qaadayo xaaladda carrigaa, sida uu qoray war-geeyska Dagens.

Wasaaradda arrimmaha dibadda ayaa uga digtay muwaadiniinta iswiidhishka in aaney u jirsan marinka Qaasa masaafo gaarsiisan 40 kiiloo-mitir, haddii aaney dantu kugu kelifin. Horey ayey masaafadaasi u ahayd 10 kiiloo-mitir.

Isha:TT

                                                kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".