Waxaa kor u sii kaceysa tirada xoogsatada shaqadu ka dhamaaneyso. Sawirle: Scanpix

Shaqaale hoowlihii ka dhammaadeen dib u habeeyn darteed

Shirkadda Moelven Vänerply oo xarunteedu tahay ee carriga västgötska Otterbäcken, oo dhaca waqooyiga magaalada Mariestad, ayaa shaqaalaheeda dhimi doona qiyaastii 50 ka mid ah 159 shaqaale ee ka howl-gala. Kuwaasina oo isugu jira shaqaalaha wax soo-saarka iyo howl-wadeennadaba.

Middaasina oo sabab looga dhigay in shirkaddu u baahatay dhaqaale ey ku miisaaniyad-geliso teknoloojiya cusub, sida ay shirkaddu ku sheegtay qoraal saxaafadeed.

Företaget är den största privata arbetsgivaren i Gullspångs kommun, som har drygt 5 000 invånare.

Shirkaddan ayaa ah shirkadda ugu shaqaalaha badan ee degmada Gullspång, waa marka laga hadlayo shirkadaha mulkida loo leeyahey.

Isha:TT

                                                      kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".