Per Schlingmann. Sawirle: Henrik Montgomery

Per Schlingmann oo ka tagay xilkii uu u hayay xisbiga M

Schlingmann oo ka degay jagooyinkii xisbiga M
2:27 min

Aasaasihii dhabadda siyaasadda cusub ee xisbiga Mudaraatka Per Schlingmann, ayaa iska rogay masuuliyaddii hoowlihii uu xisbiga u hayay, isagoona ka howl-geli doona shirkad uu abuuray wixii laga bilaabo 28-ka bisha feeberaayo ee sannadka 2013. Schlingmann ayaa ka mid ahaa ragga ugu ag-dhow hogaamiyaha xisbiga Mudaraatka, ahna madaxa dawladda Fredrik Reinfeldt, isla-markaana wuxuu ka mid ahaa xubnihii fara ku-tiriska ahaa ee ka dambeeyey habka cusub ee xisbiga Mudaraatku u xuub-siibtay sannadihii ugu dambeeyey ee la baxay "Mudaraatka cusub". Per Schlingmann, ayaa sidan ku macneeyay hoowlaha uu iska dhiibay ee uu xisbiga u hayn jiray:

- Shakhsigu waa inuu keligii ka fekeraa waxa uu doonayo inuu qabto. Waxaan qabaa in xisbiga Mudaraatku uu u diyaar-gareeysan yahay siduu ugu geli lahaa dardar ballaaran doorashada sannadka 2014 dalka ka dhici doonta, sida uu sheegay Schlingmann, mar uu u waramayay laanta wararka ee Ekot.

Marka ma farxadda ayaan iminka kugu yar oo aad uga tagaysaa?
- Farxaddii way jirtaa weli, halka dhanka kale ey jiraan waxyaabo badan ee farxad ku gelin kara. Waxaan dareemayaa inaan u baahnahay inaan wax qabto waana midda aan doortay inaan qabto.

Maxaa iminka fikirkaa kugu dhaliyay?
- Kolkii aan jagadan dhanka istraateejiyada ah xisbiga u qabtay, ayaan ku heshiiney inay wakhti ku ekaan doonto iyo inaan dejinno habkii istraatiijiyadda xisbiga ee doorashada 2014. Waana howl aan dhameeys-tiri doono illaa iyo dhammaadka bisha feeberaayo ee sannadka 2013, dabadeedna aan howl-kale qaban doono. soo haya.

                                                         kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".