Fotograf: Henrik Nordin, Svea television

Khalfoof dad oo laga helay guriga haweeney

Haweeney 37 jir ah oo ku dhaqan magaalada Göteborg ayaa dacwad lagu soo oogay ka dhan ah, dacwaddaasi oo la xiriirta gurigeeda oo laga helay khalfoofo kala duwan ee bani'aadam oo ey ka mid yihiin lix qalfoofood oo madaxa dad dhintay, hal laf-dhabar iyo qalfoofyo kale oo badan oo kala duwan, sida uu qoray war-geeyska Göteborgsposten.

Haweeneydaa ayaa khalfoofyada sii iibin jirtay sida la sheegay, halka iyada qudheedu ku andacootay inay u xafidi jirtay maadaama ey yihiin taariikhi. Waana dembi xukunkiisu kor u gaari karo laba sannadood oo xarig ah.

Isha/Göteborgs-Posten

                                                               kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".