Kent Ekeroth, SD. Sawirle: Anders Wiklund & Henrik Montgomery/Scanpix.

Xisbiga SD oo qorshaynayay inuu ogaado jinsiga xildhibaannada

Xisbiga SD oo damacsan inuu liis geliyo xubnaha baarlamanka
2:16 min

Xisbiga Sverigedemokrat-iga ayaa ku talo jira siduu ku ogaan lahaa isla-markaana u soo ban-dhigi lahaa jinsiyadda ama dhalashooyinka ey heystaan xubnaha xil-dhibaannada baarlamanka ee xisbiyada kala duwan, sida uu qoray war-geeyska Expressen. Halka ay laanta baaritaanka ee baarlamanku codsigaa ka diiday xisbiga iyo sidii lagu ogaan lahaa, iyadoona ay laantu go'aankaa u tiigsatay dhaqaale badan ee ku bixi doona iyo in hoowlahaasi jebineyaan xeerka ogaanshaha xogaasha shakhsiga.

Xisbiga Sverigedemokrat-iga ayaa ku talo jira siduu ku ogaan lahaa isla-markaana u soo ban-dhigi lahaa jinsiyadda ama dhalashooyinka ey heystaan xubnaha xil-dhibaannada baarlamanka ee xisbiyada kala duwan, sida uu qoray war-geeyska Expressen. Halka ay laanta baaritaanka ee baarlamanku codsigaa ka diiday xisbiga iyo sidii lagu ogaan lahaa, iyadoona ay laantu go'aankaa u tiigsatay dhaqaale badan ee ku bixi doona iyo in hoowlahaasi jebineyaan xeerka ogaanshaha xogaasha shakhsiga

Xisbiga SD ayaa ku dadaalaya sidii uu u xaaraan-timayn lahaa iney xubnaha xil-dhibaannada dalka ka mid noqdaan dadyoow heysta laba sinji ama haysta dhalshada laba dal ee kala duwan. Iyadoona diidmadaa dabadeed mar ay ka soo wareegtay muddo lix bilood ah ey xubnaha xisbiga SD ee Kent Ekeroth iyo Thoralf Alfsson baarlamanka soo hor-dhigeen mooshin lagu mamnuucayo iney baarlamanka xubno ka noqdaan xil-dhibaanno haysta dhalashooyin kala duwan.

Sida uu qabo Mattias Karlsson, oo xisbigaa matala, in aanay ahayn wax lala yaabo in wax laga ogaado cidda xil-dhibaannada ka tirsan ee haysata dhalashooyin kala duwan, maadaama uu xisbiga SD u arko caqabad haysashada labada dhalasho sideedaba:
- Waxay noqonaysaa xaalad lala yaabo kolka ruuxu haysto laba dhalasho oo kala duwan, waa in ruuxaasi u qeybsamo laba waddan. Qaasatan kolka uu yahay ruux awood leh, maadaama ey caalamka ka dhalan karaan iska-hor-imaad iyo dano is diidi kara. Waana meeshaa halka loo baahan yahay in bulshada Iswiidhen ey kalsooni ku yeelan karto in xil-dhibaannadoodu ey danahooda un u taagan yihiin.

Källa: Expressen

                                                                kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".