Xubnaha hoggaanka sare ee SAS oo mushaarooyinkooda dhimey

Maamulka sare ee shirkadda SAS ayaa hoos u dhigay 30% gunnooyinka ey ka qaataan shirkadda ey hoggaankeeda hayaan wixii iminka laga bilaabo. Go'aankaa ayaa la gaarey shantii bishii nofeember ee sannadka, sida ku cad war ay qoraal saxaafadeed shirkaddu ku soo saartay.

Maalintii shalayto ayay shirkaddu heshiis loo dhan yahay la gaartay dhammaan ururrada shaqaalaha ee ka howl-gala shirkadda, kaasina oo macnihiisu yahay hoos u dhigid habka tayada hoowlaha ee shaqaalaha uuna ka mid yahay mushaarooyinka oo la dhimo.

Isha/Ekot

                                                               kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".