Anders Borg. Sawirle: Fredrik Sandberg/Scanpix

Borg: oo ka warramay xaaladda dhaqaale ee cakiran

Borg: Dhaqaaluhu uma liito sidii 2008
1:17 min

Nooma muuqdaan in loo baahan yahay tallaabooyin degdeg ah ee wax looga qabanayo xaaladda dhaqaale, hase yeeshee waxaan dib u eegid ku sameeyn doonnaa saadaalinta dhaqaale ee dalka, sida uu sheegay Anders Borg, wasiirka dhaqaalaha ee dalkan Iswiidhen, mar uu ka qayb-galay maanta kulan looga xaajoonayey xaaladda dhaqaale ee dalku marayo.

Sida laga soo xigtay Anders Borg inay adag tahay maanta in la saadaaliyo inta uu sii daba-dheeraan-doono dhaqaalaha cakiran ee dalku ku sugan yahay, hase yeeshee aanay ula muuqan in xaaladdu u adag tahay sidii 2008-dii:
- Saadaalintayadu waxay maanta tahay in aaney caqabadda dhaqaale u dhigmin xaaladdii lagu jirey 2008-dii, sidaa-daraadeedna ma yaalaan baahi kalifaysa in tallaabooyin hor leh laga qaado. Hase yeeshee loo baahan yahay siyaasad dhaqaale oo taxadar kayd leh, si aan dhanka kale gacan kaga geeysan karno baahida soo baxda sannadka. Waa siyaasadda aan ka tallaaba-qaadeyno.

                                                            kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".