Foto: Anders Wiklund & Henrik Montgomery/Scanpix.

Ekeroth oo iska casilay jagadii afhayeenka shuruucda ee xisbiga SD hayay

Ekeroth, SD oo jagooyin iska casilay
0:32 min

Kent Ekeroth ahaana af-hayeenka dhanka shuruucda ee xisbiga SD ayaa iska casilay jagadii uu xisbiga u hayay. Ekeroth ayaa sidoo kale banneeyay kursigii uu xisbiga u hayay ee guddi-hoosaadka dastuurka baarlamanka, hase yeeshee uu sii hayn doono xubin-nimada baarlamanka.

Horaan ayuu jagooyinkii uu xisbiga u hayay isaga casilay Erik Almqvist, ahaana af-hayeenka dhaqaalaha iyo siyaasadda ee xisbiga SD, falalkaasina oo ka dambeeyey dhaleeceyn la xiriirtay filim ey iska duubeen oo la soo ban-dhigay toddobaadkii ina dhaafay.

Xubnaha baalamanka uga jira xisbiga SD ayaa la filayaa iney toddobaadkan gudihiisa soo ban-dhigaan koox cusub oo xisbiga u mateli doonta jagooyinka baarlamanka, sida uu shalayto sheegay xog-hayaha xisbiga Björn Söder.

Isha:Ekot/TT

                                                             kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".