Foto: Felipe Dana/Scanpix.

Nawaaxiga Skåne oo welwel laga muujiyey muqaadaraadka

Siyaasiyiinta maamullada labaatameeyo degmooyinka iyo gobolka Skåne ayaa si wada-jir ah warqad ugu qorey duqa magaalada Kobenheegan Frank Jenssen, iyagoo ku muujiyey welwelka ey ka qabaan fikirkiisa la xiriira in la fududeeyo isticmaalka muqaadaraadka.

Jenssen ayaa dhowaantan wareeysi uu siiyay war-geeyska Sydvenskan ku soo jeediyay in la fasaxo isticmaalka muqaadaraadka xashka, maadaama buuna sheegay lagu guul-dareeystay nidaamka sharciga ee looga hor-tegayey.

Haddii dalka Danmark uu wax ka bedelo siyaasaddiisa la xiriirta muqaadaraadka waxay markiiba saameeyn ku yeelanaysaa xaaladda muqaadaraad ee dalkan Iswiidhen, sida aey qoreen siyaasiyiinta gobolka Skåne.

Isha/Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".