Sameecadaha dhegaha - hadiyadda sannadka

Sameecadaha dhegaha la gashto oo noqday hadiyadda sannadka

Sannadka ayaa la saadaalineyaa in sameecadaha dhegaha la gashtaa noqdaan hadiyadda sannadka ee ciidda Krismaska., waana sannadkii 25-aad oo tartan noocaniya ay qabato HUI research.
- Waxaan ku dhegney wakhtiga casriga ah ee mobaaylka, sida uu sheegay Jonas Arnberg, ahna saadaaliye ka howl-gala HUI, mar uu u waramayay war-geeyska Dagens Handels.

- Sameecadaha dheguhu waxay astaan u yihiin kuwaa. Waxaa dhanka kale muuqatay in macaamiishu la sii qabsaneyso sidii ey alaabo ugu iibsan lahaayeen aaladda internetika, haddey noqon lahaayeen buugag, muuusiik, tv iyo wixii la mid ah. Si haddaba middaasi suurtagal u noqoto waxaa loo baahan yahay sameecado kuwa dhegaha la gashto ah. Halka dhanka kale dhageeysigu la mid noqday akhriska cusub, sida uu sheegay.

Si haddaba shey loogu aqoonsado hadiyadda sannadka waa inuu buuxiyaa shuruudo ey ka mid yihiin: Inuu yahay shay cusub. Inuu casri yahay ama uu dib u soo noolaaday. Inuu yahay shay aad loo xiiseeyo iibsigiisa, isla-markaana wax badan laga iibsado iyo wixii la mid ah.

Isha/Dagens Handel

                                                          kenadid.mohamed@sr.se

Fråga

Hadiyadihii 2011-1988

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".