Siyaasi ka tirsan xisbiga Shacabka FP oo aflagaado xilka isaga casilay

Maamulaha xubnaha siyaasiyiinta ee jawiga Gnesta, Göran Benedicks, ayaa iska casilay jaooyinkii uu u hayay xisbiga Shacabka ee "Folkpartiet" kadib qoraallo meel ka dhac ah oo uu ku daabacay bogga xusuus-qorka internet-ka, sida ey qoreen qaar ka mid ah saxaafadda carrigaa.
Siyaasiga ayaa bogga xusuus-qorka ee internet-ka ugu yeeray jilaaga , shaactiroolaha Soran Ismail sidiiyoo uu yahay "Kurdi xanaaqsan", halka uu sidoo kale qoray in 100% ey dadka xag-jirka islaamiintu geystaan falalka argagixisnimada caalamka, sida lau qoray bogga "Alliansfritt Sverige".

- Go'aanka inaan jagooyinka ska casilo waa mid aniga iga yimid, mana jiraan wax farriimmo ah ee xisbiga dhankiisa iga soo gaaray. Waa go'aan aanqaatay anigu, sida uu Benedicks sheegay mar uu u warramay bogga wararka ee Södermanlands Nyheter.

Isha/TT

                                                           kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".