Dembiyada la xiriira galmada oo hoos u dhacey

Sida lagu ogaadey baaritaan qaran oo la xiriira dareenka ammaan ee sannadka 2012 waxaa lagu xaqiijiyey iney hoos u dhaceen dembiyada ku saleeysan galmada, halka dhanka kale ey kor u kaceen dadyoowga ey la soo gudboonaadaan caqabadahaa oo ka dacwooda. Sida la qiyaasayo in sannadkii 2011 ey dalka ka dhaceen dambiyo galmada la xiriira oo tiradoodu gaarsiisan yihiin 114 000, halka shan-daloolow mid la oogay dacwad.

Tira-koobkan ayaa ku saleeysan wareeysiyo laga qaaday dadyoow tiradoodu gaarsiisan tahey 13 000 oo ruux loona doortay si bakhtiyaa-nasiib ah. Dadyoowgaa ayaa ka jawaabey su'aalo la xiriira dembiyada laga galey sannadkii tagay iyo sidoo kale iney dacwad ka oogeen iyo in kale.

Isha/TT

                                                          kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".