Gustav Kasselstrand, Gudoomiyihii ururka Sverigedemokraternas ungdomsförbund Sawirle: Lars Pehrson/Scanpix.

(SD) oo caydhisay Gustav Kasselstrand

Xisbiga Sverigedimoqoraadiga ayaa maanta soo bandhigi doona siyaasigii ay ku badali lahaayeen Kenth Ekroth oo shalay iska casilay xisbigaas. Xisbigan SD ayaa sidoo kale caydhiyey gudoomiyahoodii ururka dhalinta, Gustav Kasselstrand.

Xisbigan Sverigedimuquraadiga ayaa meel madoow ku sii socda kadib markii ay maalmihii ugu dambayesay qaar kamida madaxda xisbigaani ay shaqooyinkoodii waayeen.

Sababta ka dambaysay in qaar badan oo xisbigan ka mid ahi is casilaan ayaa salka ku haysa fashilaadii ay sameeyeen wargeyska Expressen.

Shalay ayaa waxa is casilay Kenth Ekeroth, oo gabi miiska iska saaray xilalkii u xisbiga u hayey, sidoo kale ayaa gudoomiyihii xisbiga Gustav Kasselstrand, ee dhalinta oo isna aad u dhaleeceeyay maamulka xisbiga kadib markii ay soo baxeen fashilaadii ay wargeysku sameeyeen la casilay.

                                        Kasim.abdulkadir@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".