Foto: Bertil Ericson/Scanpix

Barashada Luukhadaha Shisheeye oo xaalad adag ku sugan

Iswedhen waxay ku socotaa wado qaldan
7:29 min

swedhen waxay geli kartaa xaalad hoose oo siyaasadeed, dhaqan, bulsho iyo weliba dhaqaale marka loo barbardhigo caalamka hormaray. Taasna waxaa sabab u noqon karta aqoon xumada reer Iswedhen ee luuqadaha shisheeye kasakow afka-ingriiska. Digniintaas waxay ka soo yeertay ururka baheeya waxaha ganacsiga iyo warshadaha "svenskt Näringsliv, ururka macaalimiinta iyo ururada tacliinta iyo cilmibaarayaasha .

Camilla Bardel oo ah brofeseerad luuqadaha casriga ah ahna cilmi-baare ayaa kamid ah dadka digniintaan jeedinaya.Iswedhen waxay geli kartaa xaalad hoose oo siyaasadeed, dhaqan, bulsho iyo weliba dhaqaale marka loo barbardhigo caalamka hormaray.

- Waxaan runtii aaminsanahay in Iswedhen ku socoto wado qaldan. Waayadii hore aqoon fiican baan u lahaan jirnay luuqadaha kale madaama aan markasta aan ogeyn in aan nahay wadan yar, dadka guud ahaan afka-iswdhiska ku hadlaana yaryahay. Balse maantay cid arintaas kalo jeceyl ma jirto, waxaan la aaminay in af-ingriiska nagu filanyahay.

Inkastoo Iswedhen ay bartilmaameed u tahay sidii wadanka ku noqon lahaa wadan caalamiya hadana mid burineysa hadafka dalka ayaa ah iskuulada Iswedhen hada muujinayaan calaamado ah in barashada luuqadaha aysan muhiim aheyn.

Camilla Bardel waxay wax ka dhigtaa jaamacada Stockholm rugta luuqadaha casriga ah oo ay hada la soo gudboonaatey dhaqaalo dhimis badan oo lagu sameeyey. Ma'ahanse rugta jaamacada Stockholm waxa keliya ee dhaqaalo dhista lagu sameeyey balse sidoo kale kullidyo kale oo lagu barto luuqadaha ayaa dhaqaalo dhimista la soo gudboonaatey. Waxaana kamid ah jamacada Göteborg, Märlardalens Högskola, Örebro universitet, Karlstad Södertörn iyo Gävle högskolan. Jamacada Göteborg waxaa gebi ahaanba la joojiyey barashada luukhadaha kala ah af-tjeck, af-bulgari, af-hollandiska, af-polska iyo luukhada Hebrieska. Sidoo kale waxaa qartar ku sugan luukhada talyaaniga iyo luukhado kaloo badan.

- Dabcan jaamacad waa la soo gudboonaan kartaa dhaqaalo xumo wayna ku qasbanaan karaan in ay joojiyaan baridda maadooyinka qaar. Laakiin waxa aad moodaa in uu jiro aragti ah in maadooyinka luuqadaha yahiin wax aan muhiim aheyn, ayey tiri Camilla Bardel oo ah brofeseerad dhigta luukhadaha casriga jamacada Stockholm.

Laakiin Helena Lindholms Schulz oo ah maamulaha jaamacada Göteborg ayaa sheegtay go'aanmadaan lagu joojiyey barashada luukhada in ay gaareen masuuliyiinta qaabilsan maadooyinka adabka aadanaha balse aysan jaamacada laheyn go'aankas. Tuusale go'aankii ugu danbeeyey ee lugu joojiyey barshada luukhada talyaaniga waxaa dhaliyey sababo badan.

- Waxaa u sabab ah tirada ardeyda dalbata barashada af-talyaanika oo aad u yaraatey iyo sidoo kale baaritaan ay kulliyada adabka aadanaha ku sameysay tayada barashada luukhadahaan, ayey tiri. Laakiin go'aankaas waxaa ka gilgishay Svenska Akademin oo warqad u diray maamulaha jamacada Göteborg, kuwaas oo warqadooda ku tilmaameyn in luukhada talyaaniga iyo luukhadaha kale ee qatar ugu jiraan in la joojiyo ay haboonaan laheyd in ay ahadaan wax aan shaki lagelin jaamcada waawey ee dalka. Jamacada Göteborg ayaa sheegtay in ay jeceylaan laheyd in barashada luukhadaha laysklugu geeyo qaar kamid ah jaamacadaha dalka.

- Halka ay ahaan laheyd in jamacadaha yaryar ee aan awoodin gaarsiiyaan cilmi baaris, waxaa fiicnaan laheyd in waxbarashadaan layskugu geeyo jamacadaha qaarkood. Si loo hubiyo in ay markasta ka jirto Iswedhen fursad lagu baran karo tusaale af-talyaaniga halka lagu baahin lahaa jamacadaha dalka oo idil, ayey tiri Helene Lindholm Schulz oo ah maamulaha jamacada Göteborg.

Camiila Bardel ayaa aaminsan in Iswedhen gashay xaalad xun oo ay adagatahay in laga baxo marka laga hadlayo baridda luukhadaha kale. Waxay tiri marka ay jaamacadaha dalka joojinayaan barashada luukhada taas waxay ka micno tahay tilmaamo lagu mujinayo in barashada luukhada aysan muhiim aheyn, taas oo gaartana dhallinyarada. Arintaan wax dhaqaalo keysi ah salka kuma laha ee waxa weeyo aragti qaldan oo ay tahay in laga baxo loona badalo aragti kale oo muujineysa wanaaga barashada luukhadaha.

Aduunka oo ay maantay badantahay dadka ku hadlaa labo luukhadood amaba ka badan, halka dhallinyarada dalkaan sii dhuminayaan xiisaha barashada luukhada kale. Taas waxay kamicno noqon kartaa dhallinyarada Iswedhen dhuminayaan raasamaal dhaqan iyo weliba aqoon guud. Intaas waxaa sii dheer in boqolkii 20 shirkadaha yaryarka ah ee dalkaan waayaan kontarakt, taas ay sabab u tahay caqabka dhanka luukhada halka marka loo barbardhigo wadanka deriska nala ah ee Danmarka ay tiradaas tahay boqolkii afar keliya. Cilmibaarayaasha ayaa layaaban dal ay ku noolyahiin dad ku hadla 150 ilaa 200 oo luuqadood taas oo ah luukhadooda koobaad in shirkadaha dalka imaada adeegsadaan keliya afka-ingriiska. Taas waxay xataa marqaati u tahay in luuqadaha aan ka aheyn af.ingriiska iyo Iswedhiska in aan la qiimeynin wadankaan xataa hadii cadahey in faa'idooyinka laga heli karo. Camilla Bardel waxay aaminsan tahay in aan iska hilmaaney in aan ku noolnahay adoon isbabadel badan oo aan laysku haleyn karin dadka lala macaamilayo in ay wado yaqaanin af-ingriisiga.

- Caalam isbadel badan ayaa hada ku noolnahay, hada shiina ayaa horey u socota waana muhiim in la barto af-shiiniska, waayo xiriirka Shiina af-ingriis waxba kuu qaban maayo, sidoo kale Baraziil ayaa ah dal asna horey xowli ugu socda, marka in sidoo kale la barto af-portugiiska aad bay muhiim u tahay, hadii la rabo in guul laga gaaro wado-shaqeynta, iskaashiga iyo is-fahamka dadyowga ka soo jeeda dalalkaas.

Camilla Bardel iyo Bengt Novén oo ay wada-shaqeeyaan ayaa ka dalbanaya qorshe wax looga qabanayo arintaan wasaarada Tacliinta, inta ay goori goor tahay. Waayo waxaa dhici karta waxii hada la burburiyo in ay qaadato waqti dheer in dib loo dhiso

- Waagii hore Iswedhen waxay ahayd wadan lagu deydo marka laga hadlayo barshada luuqadaha shisheeye, waayo waxaan ogeyn in af-iswedhishka nagu fileyn. Hadiise hada si kedeys u waayaan fursadan jiil dhan waxaa dhici karta in ay waqti dheerad qaadato in dib loo dhiso lmar labaad, oo la waayo dadyowga awood xirfadeed u leh luukhado badan, ayey leedahay Camilla Barder.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".