Kulanka hogaamiyeyaasha waddammada ku bahoobey ururka EU-da

Hogaamiyeyaasha waddammada ku midoobey ururka midowga Yurub ee EU-da ayaa yeelan doona kulan socon doona laba maalmood, maanta iyo berito loogana wada xaajooneyo miisaaniyadda mustaqbalka dheer ee ururka sannadaha 2014-2020.

Qorshahahan oo ay horey uga soo shaqeeyeen xubnaha baarlamanka ururka EU-da ayaa kor loogu qaadey rabitaanka dhowr qorshooyin oo ey ka mid yihiin shaqa-la'aanta dhallin-yarada, ahna qorshe lagu kordhiyay qasnadda bulshada ee ururka halka dhanka kale kor loo qaaday siyaasadda ku wajahan dhismaha iyo cilmi-baarista.

Hase yeeshee dhaleeceymo badan ee ka soo wajahay waddammo badan ayaa sababtay in la dhimo miisaaniyadda, iyadoona iminka qiyaastii aan wax sidaa u badan dheereyn miisaaniyadda iminka.

                                                    kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".