Wejiyada cusub ee xisbiga SD. Sawirle: Montage Sveriges Radio/Scanpix

Xisbiga SD oo shaaciyay xubno xilal cusub loo dhiibay

Magacyada cusub ee xisbiga SD
1:53 min

Sven-Olof Sällström iyo Rickard Jomshof ayaa saaka lagu dhawaaqay shir-jaraa'id oo uu qabtay xisbiga Sverigedimoqoraadiga hoggaankiisu iyo iney buuxin doonaan jagooyinka af-hayeenka xisbiga ee dhaqaalaha iyo siyaasadda iyo af-hayeenka xisbiga ee shuruucda. Jagooyinkaasina oo ey horay u banneeyeen Erik Almqvist, iyo Kent Ekeroths, kadib toddobaadkii ina dhaafay oo la soo ban-dhigey filim muujinaya takrifal ey u geeysteen gabar iyo qaar ka mid ah ajnabiga dalkan ku dhaqan.

Dhanka kale galab-nimadii shalay ayaa la sheegay in gudoomiyaha ururka dhallin-yarad ee xisbiga SD Gustav Kasselstrand uu baneeyey jagadii xog-haynta xisbiga.

                                                 kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".