Åsa Romson. Sawirle: Björn Larsson Rosvall / Scanpix
Mp

Hogaankii xisbiga MP oo fasax galay

Hogaamiyiihii xisbiga cagaarka (miljöpartiet) Åsa Romson, ayaa hooyo noqotay maanta taaso macnaheedu yahay in ay shaqada ka maqnaan doonto mudo lix bilood ah.

Sidoo kale hogaanka kale ee xisbigaas Gustav Fridolin, ayaa isna ilaa dhamaadka sannadka sii ahaan doona fasax la xidhiidha aabanimadiisa.

Shaqada xisbiga ayaa waxa dhexda u dhuujin doona xoghayaha xisbiga Anders Wallner iyo xildhibaan Per Bolund, waxaana gacan siin doona hogaamiyaha xisbiga ee baarlamanka Gunvor G Ericson iyo Mehmet Kaplan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".