Peter Mangs oo xabsi daa'in lagu xukumey. Sawirle: Scanpix

Peter Mangs oo lagu dhawaaqay xukun lagu ridey

Xukun daa'in ah oo lagu ridey Peter Mangs
1:58 min

Shiishle Peter Mangs ayay maxkamadda degmada Malmö saaka ku ridday xukun ah xabsi daa'in Iyadoo lagu eedeeyey laba dil, shan isku-day dil iyo saddex dembi oo la xiriira argagixin culus. Marka laga yimaado xukunka xabsi daa'inka waxay kaloo maxkamaddu ku xukuntay Mangs inuu bixiyo mag-dhow ah 1 175 000 oo koron.

Peter Mangs ayaa iminka haysta saddex toddobaad siduu abiil uga qaadan lahaa xukunka maxkamadda. Iyadoona uu gar-yaqaanka Peter Mangs Jesper Montan, sheegay inay ula muuqato in abiil laga qaadan doono. Xeer-ilaaliyihii dacwadda Mangs ayaa maxkamadda ka codsaday in xukun daa'in ah lagu rido. Halka ey qareemmadii Peter Mangs u soo jeediyeen maxkamadda in lagu rido xukun cayimman ee u dhexeeya 18 illaa iyo 22 sannadood. Peter Mangs ayaa lagu waayey caafimaad-darro dhanka maskaxda ah, mar baaritaan lagu sameeyey. Maxkamadda degmada ayaa xukunkeeda ku saleeysay in dembiyada lagu soo oogey Peter Mangs ahaayeen kuwo waxashnimo fool xun, isla-markaana aaney ku dheehneyn bani'aadminimo. Halka dhanka kale ay maxkamaddu sheegtay in caddeeymihii la xiriirey hub, xabado iyo wixii la mid ahiba qeyb weyn ay ku lahaayeen xukunka maxkamaddu ku riday eedeeysanaha. Go'aanka maxkamadda ayuu dib u dhac ku yimid maadaama eedeyn laga soo oogey mid ka mid ahaa maxaakiimtii oo lagu eedeeyey in aannu daacad ka ahayn, waxa loo yaqaanno Jäv. Halka ay maxakamaddu baaritaan dabadeed ku dhawaaqday 25-kii bishii oktoobar go'aan middaasi lagu beenineyo. Peter Mangs ayaa maanta lagu ridaey xukun maxkamadeed daa'in ah

Isha/TT

                                                                  kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".